Habka Xifdinta Quraanka Kariimka
By zakishiineSO - 10:34 AM
Bismillah
Allah ayay usugnaatay mahad dhamaanteed walal waxa aan jeclahay inan kula wadaago habka ugu wanagsan oo lagu xifdin karo Kitaabka Allah sw ( Quraanka Kariimka)
Walalka /walasha aan jeclahay nasiib wanaag ayay iitahay inaad aqrinayso hagahaan hadii aad raacdid aad liibanaysid aniga iyo adigana aan ajir kawada heli doono inshaaAllah
waxa jiro 3 qaab oo aad u xifdin kartid Quraanka kariimka
si aad ufahanto jadwalkaan hoos kuxusan waxaa muhiim ah in aad kitaab Quraanka kariimka ah Gacanta kuhaysatid;
- Qorshe Degdeg ; 4bil ( waxa uu aad u anfacayaa dadka quraanka ka kacsanyahay ama aad ugu dadaalo aqrintiisa
- Qorshe dhexdheaad ; 8bil ( waxa uu anfacaya qof walba oo quraanka kitaabka ka aqrin kara balse anan xifdisaneyn suurado )
- Qorshe Qunyar socod 1sano (qorshahan waxa uu anfacayaa dadka carabka culus ama kitaabka Alle kuyar adagyahay aqrintiisa
Qorshe degdeg 4bil
- maalinti waxa aad xifdin 2 maqro (5bog oo kitaabka quraanka kariimka )
- taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin
- biishiina waxa ad kuxifdin 7 juz iy bar (7 juz iyo xizib)
- labadii di bil waxaad ku xifdisay 15 juz
- labadi bil kalana waxa aad kuxifdisay 15juz
- quraanka kariimka idilna waxa aad kuxifdin 4bil hadii uu Allah kula garab galo
- habkaan malahan waqti muraajaco (revision )
- waxa kasoo bixi karo qof dadaal badan ama quraanka waxbadan kayaqaan
Qorshe dhexdhexaad 8 bil
- maalinti waxa aad xifdin 2maqro(5Bog)
- taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin
- 25 maalin waxa aad kuxifdin 5 juz
- 5 ta maalin ee bisha ka dhiman waxa aad ku muraajacayn (revise) 5ti juz ee aad bishaa xifdisay
- quraanka dhan waxa aad kudhamayn 6 bil (6bil*5Juz bishiiba) = 30juz
- 2 da bil ee kuu hartay waxa aad kumuraajacayn quraanka oo idil.
Qorshe qunyar socde : 1 sano
- maalintii waxa aad xifdin 2 bog
- 25 maalin waxa aad kuxifdin 2juz iyo bar ( 2.5juz)
- 5ta maalin ee hartay waxa aad kumuraajacayn 2.5juz ee aad xifdisay
- sanadkii waxa aad kuxifdin 30ka Juz Ee Quraanka kariimka
qof waliba heerka uu kataaganyahay xifdinta Quraanka kariimka asaga ayaa garanaayo sidaas darteed waxa aad dooran dontaa habka ku anfacaayo kuguna haboon haduu Allah Kuu idmaayo
halkee baad ka bilaabi xifdinta quraanka kariimka
qof waliba marka uu gaaro guul yar waxa uu helayaa dhiiri galin uu kugaaro guulo tii hore kasii waweyn hadaba quraanka haka bilaabin meelaha kugu adag ama suuradaha dhaadheer ee aadan aqoon
habkan ayaan filaya inu yahay midka ugu haboon xifdinta Quraanka Kariimka
- kubilow 15ka juz ee hoose
- kubilow 5ta juz ee u hooseeysa (juz 26-juz30 . kabilaw Surah Axqaaf hoos usoco)
- hoos u wad oo dhameey 5ta juz
- waxa aad heleysaa dhiir galin marka aad xifdisid 5 juz
- 5ta juz ee ka koreysa ku xiji (juz 21-juz25 . kabilaw surah Jathiyah kor usoco ilaa surah ankabut)
- waxa aad heleysaa dhiiri galin marka aad xifdisid 10juz ee uhooseeya Quraanka
- Waxaa ku harsan 5 juz ( juz 16-juz20 . kabilaw surah al kahf ilaa surah ankabut)
- Hadii aad raacdid qorshaha 8bil 15 juz waxa aad kuxifdin 3 bil oo kaliya (bishiina waxa aad xifdin 5juz)
- hada waxa kuu harsan 15juz ee kore
- waxa aad ku bilabaysa ( juz 1 -juz 5 . kabilaw surah baqarah ilaa surah al nisaa)
- kabood 5ta juz dhexe
- ubood 5ta juz ee uhoseeyso 15juz ee kore : juz 11-juz15( kabilow surah al kahf ilaa surah Tawbah)
- kor usii soco 5ta juz ee xigta juz 6-juz10 ( kabilow suurah Tawbah ilaa surah Al Nisaa)
maxaa kaa caawin kara inaad xifdisid quraanka kariimka
- akhrista oo aad joogteyso
- in aadan caajsiin ama dib dhigan
- hal musxaf isticmaal oo aad sifiican ula qabsan doonto
- dhegeyso quraanka kariimka MP3 ama MP4(badi dhageysiga quraanka xiliga xafada ama goobta shaqo)
- casharka mesha uu kumarayo dhagayso oo kucelceli
- lahaw hal sheikh oo aad dhagaystao sheikh codkiisa aad ladhacday ama kala dhigdhigaayo quraanka
- aan kuceliyo hal kitaab isticmaal hal sheikhna dhagayso (taas waxa ay kaacaawin xasuusta )
- isku day inaad samaysatid saxib kula xifdiyo quraanka (saxibka waxa uu kaa dhagaysan quraanka haben /malin kasta waxa uuna kugula subcin quraanka habeen/malin kasta.NB: Dadka aan isku magalada kunolnahay aniga aya diyaar u ah ina unoqdo saxib xaga Quraanka)
- duceyso : salaad walba kadib kuduceyso in Allah kuu fududeeyo xifdinta quraankisa
- sujuuda , qunuutka iyo marka janis heshaba kuduceyso in Allah kula garab galo xifdinta Qurankisa karimka
waqtiga ugu wanagsan ee la xifdiyo quraanka kariimka
- salaada subax kadib ilaa laga gaarayo 11ka subaxnimo
- 4ta galabnimo ilaa laga gaarayo 8da habeenimo
halkee baad ku aqrin Quraanka kariimka
- telkaaga kushubo quran mushaf (bogaga mushafka telkaaga wa in ay lamid yihiin bogaga kitaabka aad isticmaasho , hadii kale waa kukala warareysaa
- masjidka ku aqri quraanka
- bus / train /socodka ku aqri quraanka, (arinkaaan aya ah arin aad isoo jiitay wa waqti aad dano kale soo gudan rabto quraankina aad kudartay qorshaha
- goobaha nasashada ku aqri quraanka
- guriga aad degantahay ku aqri quraanka
marki aad guda gasho aqriska ama xifdiska
- iska xir aalada internet ka
- ka feejignow in lagu mashquuliyo
- ha daalin ilaa aad gaarto hamigaag
- kala qaybi boga aad xifdinaysid , adiga oo aanan bog xifdin haka gudbin
- qaado waqti yar oo nasasho sacad kadib
- biyo (mineral water) waa ay ficantahay in ay ku agyaalan
ma ka maarmi karta saxib kula xifdiyo quraanka
- waxa aad uga maarmi karta saxib kula xifdiyo quraanka in aad joogteyso kutukashada quraanka kariimka xiliga habeenki
- inti aad xifdisay maanta kutuko cawa
- ama laba haben kadib kutuko Quraanka
labada shay ee ugu muhiimsan Xifdinta Quraanka
- Subac(waxa aad ubaahantahay saxib /asxaab kugula subciyo quraanka)
- Tahajudka (in aad kutukato quraanka haben walba)
waxyalaha larabo in aad ka dheeraato
- indhahaaga ka dabool xumaanta (haku eegin xubnaha cawrada ah rag ama dumar)
- heesaha ha dhagaysan (hadii aad dhagaysan jirtay quraankana aad bilowdid ayada ayaa iska joogsami , Quraanka isaga ayaa zuuliyo xumaanta)
- carabkaaga ilaali (dadka ha xamanin wax xun dadka haku dhihin
- waqtigaaga ha dayicin
aan kula wadaago dhacdadan
- aniga waxa aan kubilaabay xifdinta Quraanka kariimka habka 8da bil
- waxa uu ila ahaa arin igu adag in aan 3bil 15juz kuqabto
- ama aan 8bil uga dhex baxo quraanka kariim
- marki aan bilabayay hal ama 2 juz ayaan kor ka aqiinay
- 15ka hoose 3bil ayaan ku xifdiyay
- 15ka kore 4bil ayay igu qaadatay (wa ay igala adkaayeyn 15ka kore Allah ayaana aad ubaryay inu ifududeeyo wana ay ii suurta gashaay)
- 1bil oo muraajaca guud ahna wa ay iisoo hartay
- ma aminsaneyn inaan xifidin karo quraanka dhan
- balse waxa aan sameyay taloyinka kor kuxusan dhami ama inta ubadan
waxa aad ii caawiyay qodobadan
- in aan sifican umareyay waqtiga
- in aan kutukado tahajud malinti inta aan so aqriyay
- in aan ka dheeraday dhegeysiga malayacniga iyo heesha
- in aan ka dheeraaday fiirinta gabar ajnabi ah inta aan i banaaneyn in aan ka eego
- in aan yeeshay saxib igula subciyo quraanka (NB; dadka aan isku magalada kunoolnahay aniga ayaa diyaar u ah in aan noqdo saxibkooda kula subciyo kana dhagaysto quraanka)
- in aan badiyay ducada inuu Allah igu hago xifdinta Hadalkiisa suuban(ha caajisin ama haka welwelin in ducadaada la aqbali waayo , ducada badi ,salaada kadib mar unbay kuu aqbalmi Allahna hadafkaaga kuurumeyn
- blogan hoose ayaa ahaa dhiiri galiyahayga koobaad inan xifdin karo quraanka kariim wana uduceyay wiilka iskal leh waana la xiriiray una sheegay inan kufaaiiday talooyinkiisi (kudhufo linkigan )
me and fadhfadhil thanking him for his supportive information |
Gunaanad
waxa aan kugula talin laha walalka /walasha aan jeclahay in aad ku dhaqaaqdid xifdinta quraanka aad ayuuna ufududyahay
walalka /walasha aan jeclahay waa aan kuusoo duceynayaa in Allah xaqqa ku waafajiyo kugu irzaaaqo kalaamkisa kuuna dambi dhaafo.sidoo kale iigu oo ducey in miizaankeyga xasanaadka Alle ii kordhiyo iina dambi dhaafo
wixi waydiimo ah ama talooyin ah hoos ayaad iigu reebi kartaa
igal soo xiriir Email : zakichina@hotmail.com
whatsup = +8801736610494
JazaakaAllahu Khayran
27 comments
Xagee halaso hadlaa wll
ReplyDelete+25261 7608418
DeleteWan kahelay shekadii dhered
ReplyDelete+25261 7608418
DeleteM.a
DeleteM.a
DeleteXagee halaso hadlaa wll
Deleteinshaa allah waan xifdin
DeleteMasha Allh walal Aqoonyahn zakishiine
ReplyDeleteجزاك الله خيرا
فتح الله لسانك ونور قلبك وجعل غدوة للاخرين
ReplyDeleteAlHa hkU zhaRf0 wll0 qaLi
ReplyDeleteM.a wll ilaahay ha kaa abaal mariyo
ReplyDeleteفتح الله لسانك ونور قلبك وجعل غدوة للاخرين
ReplyDeleteShaafi xasan
ReplyDeleteQurank
DeleteM a ilahay haka abalmariyo
DeleteM a ilahay haka abalmariyo wll
ReplyDeleteMaadiinoyuusuf7@gmail.com
ReplyDeleteShukran akhii, anigana iigu soo ducee inuu sidaas iigu fududeeyo waan dedaali Insha'alah, Rabina waan talla-saaran.
ReplyDeleteMasha allah wll waan ka faaiday
ReplyDeleteMashallah wll alle hakaa jasaaimariyo khayrkaa aad noosoo gudbisay iisoo duvet inshallah in ilhy ifudaydiyo xifdinta quraanka
ReplyDeleteMashallah wll alle hakaa abaal mariyo
ReplyDeleteShukran wllkei allha miisaanka aakhiro kuu saaro
ReplyDeleteWhatsApp ka sheeg
ReplyDeleteMa
ReplyDeleteXaawo
ReplyDeleteRespect and I have a nifty offer: What House Renovations Can You Claim On Tax house repair quotation
ReplyDelete