Bismillah
Allah ayay usugnaatay mahad dhamaanteed.
Walal waxa aan jeclahay inan kula wadaago habka ugu wanagsan oo lagu xifdin karo Kitaabka Allah SW( Quraanka Kariimka).
Walalka /Walasha aan jeclahay, nasiib wanaag ayay kuutahay inaad aqrinayso hagahaan hadii aad raacdid aad liibanaysid aniga iyo adigana aan ajir kawada heli doono inshaaAllah.
Waxa aan kula wadaaga Saddex (3) qaab oo aad u xifdin kartid Quraanka kariimka. Si aad ufahanto jadwalkaan hoos kuxusan waxaa muhiim ah in aad Kitaab Quraanka kariimka ah Gacanta kuhaysatid;
- Qorshe Degdeg- 4bil (Waxa uu aad u anfacayaa dadka quraanka ka kacsanyahay ama aad ugu dadaalo aqrintiisa
- Qorshe Dhexdheaad- 8bil (Wxa uu anfacaya qof walba oo Quraanka ka aqrin kara Kitaabka, balse anan xifdisaneyn suurado )
- Qorshe Qunyar Socod- 1-sano (Qorshahan waxa uu anfacayaa dadka carabka culus ama kitaabka Alle kuyar adagyahay aqrintiisa
Qorshe degdeg 4bil
- Maalinti waxa aad xifdin 2 maqro (5 bog oo kitaabka Quraanka kariimka )
- Taas macnaheeda waxa weeye juzki (20 bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4 maalin
- Biishiina waxa ad kuxifdin 7 juz iy bar (7 juz iyo Xizib)
- Labadii bil waxaad ku xifdisay 15 juz
- Labadi bil kalana waxa aad kuxifdisay 15 juz
- Quraanka kariimka idilna waxa aad kuxifdin 4 bil hadii uu Allah kula garab galo
- Habkaan malahan waqti muraajaco (Revision )
- Waxa kasoo bixi karo qof dadaal badan ama quraanka waxbadan kayaqaan
Qorshe dhexdhexaad 8 bil
- Maalinti waxa aad xifdin 2maqro(5Bog)
- Taas macnaheeda waxa weeye juzki(20bog) waxa uu kugu qaadan inaad kuxifdisid 4maalin
- 25 maalin waxa aad kuxifdin 5 juz
- 5 ta maalin ee bisha ka dhiman waxa aad ku muraajacayn (revise) 5ti juz ee aad bishaa xifdisay
- Quraanka dhan waxa aad kudhamayn 6 bil (6bil*5 Juz bishiiba) = 30juz
- 2 da bil ee kuu hartay waxa aad kumuraajacayn quraanka oo idil.
Qorshe qunyar socde : 1 sano
- Maalintii waxa aad xifdin 2 bog
- 25 maalin waxa aad kuxifdin 2juz iyo bar ( 2.5juz)
- 5 ta maalin ee hartay waxa aad kumuraajacayn 2.5 juz ee aad xifdisay
- Sanadkii waxa aad kuxifdin 30ka Juz ee Quraanka kariimka
Halkee baad ka bilaabi xifdinta quraanka kariimka
Qof waliba marka uu gaaro guul yar waxa uu helayaa dhiiri galin uu kugaaro guulo tii hore kasii waweyn hadaba quraanka haka bilaabin meelaha kugu adag ama suuradaha dhaadheer ee aadan aqoon
habkan ayaan filaya inu yahay midka ugu haboon xifdinta Quraanka Kariimka
habkan ayaan filaya inu yahay midka ugu haboon xifdinta Quraanka Kariimka
- Kubilow 15ka juz ee hoose
- Kabilow 5ta juz ee u hooseeysa (juz 26-juz 30 . Kabilaw Surah Axqaaf hoos usoco)
- Hoos u wad oo dhameey 5ta juz ilaa Surah Al-Naas
- Waxa aad heleysaa dhiiri galin marka aad xifdisid 5 juz
- 5 ta juz ee ka koreysa ku xiji (juz 21-juz25 . kabilaw surah Jathiyah kor usoco ilaa surah Ankabut)
- Waxa aad heleysaa dhiiri galin marka aad xifdisid 10juz ee uhooseeya Quraanka
- Waxaa ku harsan 5 juz ( juz 16-juz20 . kabilaw surah al Kahf ilaa surah Ankabut)
- Hadii aad raacdid qorshaha 8bil 15 juz waxa aad kuxifdin 3 bil oo kaliya (bishiina waxa aad xifdin 5 juz)
- Hada waxa kuu harsan 15 juz ee kore
- Waxa aad ku bilabaysa ( juz 1 -juz 5 . kabilaw surah baqarah ilaa surah al nisaa)
- Kabood 5ta juz dhexe
- Ubood 5ta juz ee uhoseeyso 15juz ee kore : juz 11-juz 15( Kabilow Surah al Kahf ilaa Surah Tawbah)
- Kor usii soco 5ta juz ee xigta juz 6 - juz 10 ( kabilow suurah Tawbah ilaa surah Al Nisaa)
Maxaa kaa caawin kara inaad xifdisid Quraanka kariimka
- Akhriska oo aad joogteyso
- In aadan caajsiin ama dib dhigan
- Hal musxaf isticmaal oo aad sifiican ula qabsan doonto
- Dhegeyso quraanka kariimka MP3 ama MP4 (Badi dhageysiga quraanka xiliga xafada ama goobta shaqo)
- Casharka mesha uu kumarayo dhagayso oo kucelceli
- Lahow hal sheikh oo aad dhagaystao sheikh codkiisa aad ladhacday ama kala dhigdhigaayo quraanka (Tusaale, aniga Sheikh Saud- Al Shuraim ayaan dhagaysanayay dhamaan xiligeygi xifdinta, waana laqabsaday codkiisa)
- Aan kuceliyo hal kitaab isticmaal hal Sheikhna dhagayso (taas waxa ay kaacaawin xasuusta )
- Isku day inaad samaysatid saxib kula xifdiyo quraanka (saxibka waxa uu kaa dhagaysan Quraanka haben /malin kasta waxa uuna kugula subcin quraanka habeen/malin kasta.NB: Dadka aan isku magalada kunolnahay aniga aya diyaar u ah ina unoqdo saxib xaga Quraanka)
- Duceyso, salaad walba kadib kuduceyso in Allah kuu fududeeyo xifdinta quraankisa
- Sujuuda, qunuutka iyo marka janis heshaba kuduceyso in Allah kula garab galo xifdinta Qurankisa karimka
Waqtiga ugu wanagsan ee la xifdiyo Quraanka Kariimka
- Salaada subax kadib ilaa laga gaarayo 11ka subaxnimo
- 4 ta galabnimo ilaa laga gaarayo 8da habeenimo
Halkee baad ku aqrin Quraanka Kariimka
- Telkaaga kushubo quran mushaf (bogaga mushafka telkaaga wa in ay lamid yihiin bogaga kitaabka aad isticmaasho , hadii kale waa kukala warareysaa
- Masjidka ku aqri quraanka
- Bus / train /socodka ku aqri quraanka, (arinkaaan aya ah arin aad isoo jiitay wa waqti aad dano kale soo gudan rabto quraankina aad kudartay qorshaha
- Goobaha nasashada ku aqri quraanka
- Guriga aad degantahay ku aqri quraanka
Marki aad guda gasho aqriska ama xifdiska
- Iska xir aalada internet ka
- Ka feejignow in lagu mashquuliyo
- Ha daalin ilaa aad gaarto hamigaag
- Kala qaybi boga aad xifdinaysid , adiga oo aanan bog xifdin haka gudbin
- Qaado waqti yar oo nasasho sacad kadib
- Biyo (mineral water) waa ay ficantahay in ay ku agyaalan
Ma ka maarmi karta saxib kula xifdiyo Quraanka Kariimka
- Waxa aad uga maarmi karta saxib kula xifdiyo quraanka in aad joogteyso kutukashada quraanka kariimka xiliga habeenki
- Inti aad xifdisay maanta kutuko cawa
- Ama laba haben kadib kutuko Quraanka
Labada shay ee ugu muhiimsan Xifdinta Quraanka Kariimka
- Subac(waxa aad ubaahantahay saxib /asxaab kugula subciyo quraanka)
- Tahajudka (in aad kutukato quraanka haben walba)
Waxyalaha larabo in aad ka dheeraato
- Indhahaaga ka dabool xumaanta (haku eegin xubnaha cawrada ah rag ama dumar)
- heesaha ha dhagaysan (hadii aad dhagaysan jirtay quraankana aad bilowdid ayada ayaa iska Joogsami , Quraanka isaga ayaa zuuliyo xumaanta)
- Carabkaaga ilaali (dadka ha xamanin wax xun dadka haku dhihin
- Waqtigaaga ha dayicin
Aan kula wadaago wadadi Safarkaygi Xifdinta Quraanka Kariimka
- Aniga waxa aan kubilaabay xifdinta Quraanka kariimka habka 8da bil
- Waxa uu ila ahaa arin igu adag in aan 3bil 15juz kuxifdiyo
- Ama aan 8bil uga dkuwada xifdiyo Quraanka kariimka
- Marki aan bilabayay hal ama 2 juz ayaan kor ka aqiinay
- 15 ka hoose 3bil ayaan ku xifdiyay
- 15 ka kore 4bil ayay igu qaadatay (wa ay igala adkaayeyn 15ka kore Allah ayaana aad ubaryay inu ifududeeyo wana uu iga aqbalay)
- 1 bil oo muraajaca guud ahna wa ay iisoo hartay
- Ma aminsaneyn inaan xifidin karo quraanka dhan
- Balse waxa aan sameyay taloyinka kor kuxusan dhami ama inta ubadan
Waxa aad ii caawiyay qodobadan
- in aan sifican umareyay waqtiga
- in aan kutukado tahajud malinti inta aan so aqriyay
- in aan ka dheeraday dhegeysiga malayacniga iyo heesha
- in aan ka dheeraaday fiirinta gabar ajnabi ah inta aan i banaaneyn in aan ka eego
- in aan yeeshay saxib igula subciyo quraanka (NB; dadka aan isku magalada kunoolnahay aniga ayaa diyaar u ah in aan noqdo saxibkooda kula subciyo kana dhagaysto quraanka)
- in aan badiyay ducada inuu Allah igu hago xifdinta Hadalkiisa suuban(ha caajisin ama haka welwelin in ducadaada la aqbali waayo , ducada badi ,salaada kadib mar unbay kuu aqbalmi Allahna hadafkaaga kuurumeyn
- Blogan hoose ayaa ahaa dhiiri galiyahayga koobaad inan xifdin karo quraanka kariim wana uduceyay wiilka iskal leh waana la xiriiray una sheegay inan kufaaiiday talooyinkiisi (kudhufo linkigan )
![]() |
me and fadhfadhil thanking him for his supportive information |
Gunaanad
Waxa aan kugula talin lahaa Walalka /Walasha aan jeclahay in aad ku dhaqaaqdid xifdinta quraanka, aad ayuuna ufududyahay.Walalka/Walasha aan jeclahay waa aan kuusoo duceynayaa in Allah xaqqa ku waafajiyo kugu irzaaaqo kalaamkisa kuuna dambi dhaafo, sidoo kale iigu soo ducey in miizaankeyga xasanaadka Alle ii kordhiyo iina dambi dhaafo.
Wixi waydiimo ah ama talooyin ah hoos ayaad iigu reebi kartaa
ama igala soo xiriir Email : zakariye.hass@gmail.com
WhatApp = +252617608418
JazaakaAllahu Khayran